"Aanadii Negeeye waa buug waddo cusub u furaya bandhigga xikmadda iyo suugaanta soomaalida oo ilaa hadda si wayn la isugu soo tebin jirey tix ahaan. Waa tiraab waji cusub leh; waa male-awaal dhacdooyin jirey ka muuqdaan; waa maldahaad haddana si cad wax u sheegaysa; waa farriin sare oo qoraagu u xus[...]